← Back to Lewiston

Document Lewiston_doc_798d21e990

Full Text

DOWLADDA HOOSE EE LEWISTON WAAXDA U KHIDMEYSA BULSHADA BARNAAMIJKA MACAAWINADA GUUD TUSMADA QOFKA MACAAWINADA CODSANAYA IYO WUXUU XAQ U LEEHAY IYO MASU’UULIYADAHA SARAN MACAAMIISHA BAALAN KAALIYA UUN BAA LOGU ARKIKAAR Xilliyada uu xafiika Macaawinada Guud furanyahay: Isniin ilaa Talaado: 8:30 A.M. to 12:00 P.M 1:00 P.M. to 4:00 P.M. Dowladda Hoose ee Lewiston 27 Pine Street Lewiston, ME 04240 Phone: (207) 513-3130 ext 3263 Xilliyada danbe waxaad waci kartaa 911 ama u tag xarunta boliiska Lewiston ee ku yaal: 171 Park Street. Wixii su’aalo ah ee ku saabasan barnaamijka Macaawinada Guud waxaad wacdaa DHHS HOTLINE [PHONE REDACTED] GA CLIENT BROCHURE Shaqo ka tegid ama shaqo ka eryid (Quitting Work/Fired) Hadii aad shaqeyneysey laakiin aad shaqadaadii iskaga tagtay adigoo aan wax sabab ah oo wanaagsan haynin ama aad isga tagtay anshax xumo oo arrimahaas dart- ed shaqadaada lagaaga ceyriyey, hadabo si toos ah baa laguu oggoleyn Macaawinada Guud muddo 120 maalmood laga bilaabo malinta shaqada kuugu danbeysay. Ogow halwadeennadu ma doonayaan inay kaa cey- riyaan gargaarka lagu siinayo ee aad u baahantahay, haddabo adiga ayey ku khuseysaa inaad u hoggansatid sharciyada barnaamijka shaqada. Khayaano (Fraud) Hadii hawlwadeeenku ogaado in aadnan runta sheegeynin, maclumadka iyo wararka qhabeysid, wuxuu kuu diidayaa Macaawianda Guud muddo 120 maalmood ah, ilaa inta aad u celineysid dowlaada hoose lacagtii cawinaadka ad ku qadatey si khayaano. Waxaa kaloo intaa sii dheer in arrintaadu loo gud- binayo waaxda booliska ama xafiiska xeerilaaliyaha degmada si uu kuugu xukumo xeerka denbiga heerkiisa yahay ee ah khiyaameyn Macaawinada Guud. Halwadeenku ma doonayo inuu wax kuu diido ama lugaha kuu geliyo dhibatada sharciga, haddabo markasto runta sheeg hadii aad Macaawinada Guud codsaneysid. Qarsoodi (Confidentiality) Wararka ku saabsan codsiga aad weydiisaneysid ee ka midka yahay arjiga codsiga, waraaqda miisaaniyada, go’aanka iyo warar kale ee ku saabsan arrintaada waa qarsoodi aad loo xoojiyey. Qofkii ka mid ah waxada bulshada u khidmeyso ama ka tirsan shaqaalaha dowlad- da ayaa baari karo rekoorkaaga, laakiinse dadweynaha guud ma baari karaan rekoorkaaga hadii aadan adigu u oggolaanin. ---PAGE BREAK--- GENERAL ASSISTANCE PROGRAM Marka gargaarka lagu siiyo (When assistance is granted) Dakhliga shaqada kaa soo galay ayaa ah waxa lagu xisaabta- mayo ee laga jarayaa waxa aad ku isticmaashid Markuu hawlwadeenku helo arjigaaga ayuu mudoo 24 saac gudahooda ah kugu siinayaa go’aan qoraal ah. lHadii aadan keenin macluumaadka lagaaga baahanyahay oo idil si go’aano looga gaaro gargarka muddo ku siman 24 saac gudahooda iyadoo qoraal ah yaanan laguugu oggoleyn macaawino. Hadii hadii la oggolaado gargarka ayaa lagu siinayaa. Oggolaasho (Eligibility) Marka laga reebo qofka marka ugu “horeysa” dalabanayo macaainada Guud waan in uu caddeeyaa dakhliga soo galo iyo sida uu isticaamalay. Waa inuu tusaa resiidha sida uu u kharashgareyey dakhliga soo galay. Resiidhku wax lagu kha- rashgareeyey waa inuu noqdaa mid loo isticmaalay waxy- aabha lagama. maarmaanka ah ee ka midka ah cuntada, kirada, saliidda guriga lagu diiriyo (heat-ka), korontada, dawada, iyo wixii loo isticmaalay shaqada. Istiicmaal ilo dhaqaale (Potential Resource) Dowladda Hoose waxay kuu direysaa iyada oo qoraal ah inaad dalbatid lacagta caddanka ah (TANF-ka) iyo Cuntada (Foos Stamps), Nafaqada caruurta (Child Support), gargaarka cuuryaanka loogu talagalay (SSI) iyo barnaamijyo kale. Waxaa kaloo laguu dirayaa gargaarka dawada iyo kuwa baxnaaniyo ee lacag la’aanta ah. Waxaana laguu oggolyahay inaad 7 maalmood gudahooda halka laguu direy caddeyn kaga keyntid. Shaqada lagaa rabo (Work Requirement) Hadii aadan shaqeynin ama aadan shaqo aan kugu filneyn haysid, laakiin oo weli shaqeyn kartid waa inaad:  iska soo qortaa xarunta shaqada iyo shaqaalaha (Career Center).  Si fir-fircooni leh waa iaad shaqo u raasataa.  Waa inaad oggolaata shaqo kasta xitaa hadii ay musha- harkeedu yaryahay. Waa inaad ka qeybgashaa tababar kasta ee lacga la’aan ah ama dib-utaba-barasho ah, waxbarasho ama barnaamijka ku baxnaaninaya ee aad ku heli kartid shaqo waa hadii hawl- wadeenku kuu diro barnaamijka caynkaas oo kale ah. Waa inaad soo kaamishaa hawsha Dowladda hoose kuu direyso (Workfare-ka). Barnaamijka Xafiiska Macaawinada Guuduud Barnaamijka oo kooban (Program Overview) Barnamijka Macaawinada Guud ayaa waxaa loo oggolya- hay dadka u baahan oo meel ay ku noqdaan lahayn. Qofka caynkaasi ah waxaa lagu gargaarayaa macaawinada lagaama -maarmaanka ah sida kirada guriga, cunto, iyo waxayaaba- ha loo isticmaalo nadaafadda, dawo, shidaalka lagu ku- luleeyo guriga (Heat-ka), korontada iyo macaawinada kaloo lagama maarmaanka ah. Wixii gargaar ah waxaa la bixiyaa jeeg (foojer) ee lama dhiibo lacag caddaan ah. Go’aanka wax laguugu ogoolaanayo waxaa laguu sheegayaa 24 saaca- dood gudahooda. Sidee loo codsadaa (How to Apply) Waxaad barnaamijkan ka codsan kartaa xaafiiska Macaawinda Guud ee ku yaal Dowladda Hoose bal eeg dibadda dhismaha ee xaafiska Dowladda Hoose. Qofkasta wuxuu ka codsan karaa Dowlada Hoose hadii ay dadku deggen yihiin ama ay qorsheynayaan in ay u soo guuraan si ay halkaan ugu noolaadaan. Haddii ay magaaladu lahayn xafiiska, waxaad weydiisaa hawlwadeennada xafiiska ama qofka u xilsaaran Markaad codsatid waxa lagaaga bahanyahay inaad soo qaadatid: (What to bring when you apply) Misaaniyadda Macaawinada Guud waxay ku simanatahay 30 maalmood laga billaabo maalintaad codsatay. Hadii aad horey uga codsatay Maine gudaheeda haddabo waxaa tahay qof markale codsanayo sidaaas darteed waxaa lagaa rabaa inaad keentid cadeynta dhaqaalaha ku soo galay 30kii maalmood ee la soo dhaafay iyo waxa aad ku bixisay (resiidhka). Waxaa kaley lagaa rabaa:  Bilashii ugu danbeeyse sida kirada guriga, iyo cadeymaha kaloo aad kharashgareysay sida, deynta guriga lagu gatay (morgeejka), saliida shidaalka kuriga lagu diiriyo,cuntada, kharashka dawada iyo korontada,  Jeegagga la nasaqay, resiidhka iyo dokumentiyada kaloo tusinaya sida aad u isticmaashay hadii aad codsatay macaawinada Guud mar hore. Hadii aad horey uga codsatay Maine waxaa tahay qof markale Markaad codsatid waxa lagaaga bahanyahay inaad keentid: (What to bring when you apply)  codsanayo sidaaas darteed waxaa lagaa rabaa inaad keenting cadeynta dhaqaalaha ku soo galo laga bilaabo 30ka maalmood ee la soo dhaafay iyo waxa aad ku bixisay.  Ruqsada wadiskaa gaariga  Warqada numberka socialkaa (SSN) aadi iyo cidii kula deegan guriigaaga.  Dokumentiyada ku saabsaan sharcigaad ku dagentahay wadankan (immigration documents)  Lacagta ku kharashgareysey waxyaabaha ku saabsan shaqadaada.  cadeyn dhaqtareed waa hadii aad xanuunsanatahay, ama aad curyaan tahay ama aadan awoodin shaqo;  cadeynta hantida qoyskaaga oo idil ku jirto laakin aan intaa ku dhameyn :  Mushaarka ( wages)  Lacag caddaan ah (cash on hands)  lacag canshuur celin (income tax refund)  lacagta la qaato xilliga aad shaqeyneynin (unemployment)  lacagta la isku siiyo caruurta (Child Support)  Lacag ceydha DHHS siisoo caruurta (TANF)  Lacag hawlgabka socialkuu ku siiyee (SS Benefits)  lacagta curyaanimada lagu qaato (SSI/SSDI)  xisaab jeeg/xisaab keyd (cheking/ savings accounts)  gunnada uu qaato ciddanka hawlgabka ah (veterans pensions)  dakhliga kirada (rental income)  Amaahda (loans)  lacagta magdhawga ah (worker’s compensation)  lacgta keydka ah /raasumaal (savings bonds)  lacagta keydka ee aan muddo la qaadan Karin (trust funds)  caymiska nolosha (life insurance policies)  xisabta hawlgabka (retirement accounts)  deenta waxbarashada (school loans)  gargaarka eh ku siiyey (assistance from relatives)  lacag aan la gaa gudaneynin (in-kind income)  dhakhliga iskiis-u-shaqeyste (self employment income)  Ilo dhaqaale (financial resources)  Gari/gawaarida lagu madaddaasho (recreational car)  Hanti guri. (real estate holdings) Marka gargaarka lagu siiyo (When assistance is granted) Hawlwadeenka Macaawinda guud ayaa go’aaminaya in aad heli kartid gargaarka iyo in ay dakhligaaga ka yaryahay waxyabaha laga- ma maarmaanka ee aad qarashgareyso iyo barnaamijkaan inta augu sareyso.